Lobo qaab oo aad ku maareyn karto daqligaaga xilliyada sicir bararka.
Sicir-baraka waa siyaado ku timaado qiimaha la iibiyo maciishada islmarkaana ay hoos udhacdo lacagta, taas oo saameyn nolosha ku yeelata dadka. Sidaa darteed xilliyada sicirbararka waxaa laga maarmaan ah inaad la timaad maareyn maaliyadeed.
Hadabada waxaa jira qaabab badan oo lagu maareeyo mushaarkaaga xilliyada adag ama sicir bararka jiro. maxay yihiin labada siyaabood ugu muhiimsan ee lagu maareyn karo daqlligaaga xilliyada sicir bararka
1) Inaad keyd dhaqaale yeelato.
Inaad leedahay kayd waa arin aad ugu wanaagsan qofka marka ay timaado xilliyada adag sida sicir bararka.
Qofna kayd ma sameeyn karo isaga oo aan maareyn daqligiisa. Sida ugu wanaagsan loo maareyo daqliga ayaa ah joojinta kharashaadka aan daruuriga ahayn, marka aad joojiso taa waxay keeneysaa inaad yeelato keyd
2) Xakameynta Deymaha
Deynta waxaa keena waxyaabo aad badan oo aan la soo koobi karin waxaa kamid ah sarackac ku yamaado maciishada, inaad leedahay caruur, daqliga kusoo galo oo yar iyo inaad si qaldan u maareyso daqligaaga.
Qaabka ugu wanaagsan aad ku xakameyn karto deynta :-
a) Inaad leedahay qorsh miisaaniyad bille ah (Budget), qor kharashka kaa baxa si bille ah, xaqiiji kharashka inuu kaaga baxay meeshii loogu talo galay.
b) Yaree kharashka kaabaxa ilaa xad, had iyo jeer waxa aad ka maaranto jooji
c) Raadi fursado daqligaaga kordiya
No comments:
Post a Comment