Maxay tahay halista weyn uu kadhaxlayo qofka aan hurdin 30 cisho






 



Hurdadu waa qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah nolosha bini'aadamka, lagama maarmaan u ah ilaalinta caafimaadka jidhka, caddaynta maskaxda, iyo guud ahaan fayo-qabka. Fikradda ah in la seexan waayo muddo dheer, sida 30 maalmood, ma aha oo kaliya wax aan run ahayn laakiin sidoo kale aad khatar u ah. Maqaalkani waxa uu si qoto dheer u eegayaa cawaaqibka ka iman kara iyo khataraha la xidhiidha hurdo la'aanta muddada dheer.

 

Isbuuca 1aad iyo saameynta ay leedahay?

Dhowrka maalmood ee ugu horreeya hurdo la'aanta, jidhku wuxuu bilaabaa inuu muujiyo calaamado ay kamid tahay cadaadis xad dhaaf ah. Hawlaha garashada, oo ay ku jiraan xusuusta, dareenka, iyo awoodaha go'aan qaadashada, waxay bilaabaan inay sii xumaadaan. Shakhsiyaadka  qaar waxaa laga yaabaa inay la kulmaan niyad-jab, xanaaq, iyo heerarka walbahaarka oo kordha. Nidaamka difaaca jidhku wuu daciifaa, taas oo ka dhigaysa mid aad ugu nugul caabuqyada oo qofka inuu bukoodon sababeysa.

Mid ka mid ah saamaynta ugu naxdinta badan ee hurdo la'aanta dheer ayaa ah saamaynta ay ku leedahay caafimaadka maskaxda.

 Qiyaastii toddobaad ka dib hurdo la'aan, qofka waxaa laga yaabaa inay lasoo darsaan jahawareer, miyir beel, iyo waswaas.

Hurdo la'aantu waxay si ba'an u saamaysaa awoodda shaqo ee maskaxda, taasoo keenta xanuunka dhimirka ee loo yaqaano schizophrenia “ Waalida caadiga’’.

 

Marxaladaha ugu dambeeya: 30 cisho kadib maxaa dhacaya

Marxaladda Burburka Jirka iyo Maskaxda

Marka aad 30 cisho hurda la’aan ahaato isbadalo waaweyn ayaa ku yimaado yimaada.

Waxay u badan tahay inay horseeddo burbur ku dhaca caafimaadka jidhka iyo maskaxda.

 

 

  Gabagabo: Muhiimadda Hurdada

Xaaladda hurdo la'aanta 30 maalmood waa mala-awaal iyo wax aan la qaadan Karin. Hurdadu maaha raaxo ee waa baahi aasaasi u ah nolosheena.

Hurdadu waa qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah qaab nololeedka caafimaad qabka noolaseenaa, taa oo muhiim u ah caafimaadka jidhka iyo maskaxda labadaba. Inta lagu jiro hurdada, jidhku wuxuu maraa habab muhiim ah sida hagaajinta unugyada, koritaanka murqaha, iyo habaynta hormoonnada, kuwaas oo lagama maarmaan u ah caafimaadka jidhka.

 

Intaa waxaa dheer, hurdodu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa shaqada garashada iyo caafimaadka shucuureed. Waxay xoojisaa xusuusta, barashada, iyo awoodaha go'aan qaadashada iyadoo sidoo kale nidaamisa niyadda iyo adkeysiga shucuureed.

Nin xubintiisa taranka iska gooyay isagoo qarwaayo

 











Nin u dhashay dalka Ghana ayaa ku soo toosay dhacdo naxdin hel, ka dib markii uu iska gooyay xubintiisa taranka iyo xiniinyaha isaga oo hurda.


Kofi Atta oo 47-jir ah ayaa ku gam'ay/hurday kursigiisa 12-kii Agoosto, wuxuuna bilaabay inuu ku riyoodo inuu gowraco neef ari ah. Waxa uu soo toosay dareemaya xanuun fiiqan awgiis, wuuna ka naxay markii uu ogaaday in uu gacanta ku haysto mindi.

Inta uu  jahawareeray ayuu kursigii halmar ka booday – waana markii uu gartay in xubintiisa taranka iska gooyay waxa uuna dareemay xanuun daran. 

Waxa uu u yeedhay deriskiisii ​​si ay u caawiyaan, dariskiisuna waxa ay u yeedheen xaaskiisa oo wakhtigaas guriga u soo socotay. Waxay timid guriga si ay u aragto ninkeeda " waxayna isha ku dhufatay ninkeeda oo ku fadhiya dheri dhiig ka buuxo, gacantana ku haysto xubintiisa taranka,"

                                     

Atta ayaa loola cararay cisbitaalka, halkaasoo ay ku siiyeen daweyn. Nasiib wanaag, dhaawacyada looma maleyneynin inay khatar ku yihiin noloshiisa, inkastoo uu u baahan doono qaliin.


Muxuu salka ku hayaa qilaafka ka dhex qarxay Abiy Axmed iyo Muuse Biixi:

 








\

Bilowgii sanadkan 2024'ka waxaa Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay warbaahinta la wadaageen wax ay ku sheegeen is afgarad Itoobiya u ogolaanaya inay qaadato qayb kamid ah biyaha badda Soomaaliya halka Somaliland ay shirkadda Itoobiyan Airland ka heleyso 5% saami ah.

Arintaasi shacabka Soomaaliyeed ayaa gaashaanka u daruuray dowladda Federalka Soomaaliyana go'aamo cad cad bay ka qaadatay.

Hadaba muxuu salka ku hayaa qilaafka soo kala dhexgalay Abiy Axmed iyo Muuse Biixi?

Dowladda Itoobiya oo dooneysay inay fuliso heshiiskii is afgaradka ahaa waxa ay wafdi soo qiimeeya udirtay  magaalada Hargeysa, dowladda federalka Soomaaliya ayaa is hortaagtay oo celisay diyaaraddii siday wafdigaas ee rabtay inay cago dhigato magaalada Hargeysa balse Jigjiga ayaa lagu dajiyay diyaaraddii halkaas ayay socdaal dhanka dhulka ahi kaga soo ambabaxeen iyagoo yimid Hargeysa.

Muddo lagu qiyaasay todobo bari ayaa wada hadalo aad u xasaasi u ah  waxaa magaalada Hargeysa uga socdeen  madaxda ugu sareysa Somaliland oo uu hogaaminayay Mw Muuse Biixi iyo  Jeneral Nuux Taani iyo dhanka Itoobiya uu hogaaminayay Tamesken Turneh oo ahaa taliye sirdoonka Itoobiya.

Wafdigii Itoobiya ka socday waxa ay shaaciyeen inay u baahanyihiin inay sahmiyaan goobaha ay la wareegayaan waxaana ay dalbadeena in lageeyo magaalooyinka Lughaye & Saylac laakiin Somaliland waa ay diiday waxa ay tiri maya macquul maahan waqtigaan oo dalkayaga sas iyi buuq kajiro inaad booqataan gobahaas.

Somaliland oo shuruud ku xirtay wafdiga in lageeyo goobihii lagu balan sanaa iyago ka dalbaday wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya inay ku dhawaaqdo inay aqoonsaneyso Somaaliland arintaa Itoobiya waa ay diiday waxayna ku xirtay marka hore Itoobiya  in lagu wareejiyo goobihii lagu balamay kadib ayay dowladda Itoobiya aqoonsaneysaa Somaliland. 

Somaliland oo u muuqata inay garatay dhagarta Itoobiya maleegeyso markale ayay diiday dalabkii Itoobiya kuna xirtay shuruud ah AQOONSIGA hala hormariyo halkaas ayaa qilaaf bug ka yiri.

Ismari waa kadib wafdigii Itoobiya waa ay noqdeen shirkiina waa lagu kala tagay.

Maalmo kadib raiisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa albaabada isugu dhuftay shirkadda Dahabshiil xaruumaheeda Itoobiya.

Arintaan ayaa u muuqata mid Abiy Axmed oo culeeys kusaaray Muuse Biixi inuu soo dabco oo uu heshiiska fuliyo.



Tuug South Afrikan ah iyo hooyo Soomaaliyeed

 Tuug udhashay K.Afrika ayaa iskudayay inuu xoog uga qaato taleefan ay wadatay hooyo Soomaaliyeed iyo sida ay ooga falcelisay oo layaab noqotay?

Halkan ka daawo muuqaalka👇


Jabhada Fano ee Amxaarada oo aad ugu soo dhawaatay Addis Ababa


                Jabhadda Amxaadara "Fano" oo 93km ujira 

                              magaalada Adis Ababa


In mudda ahba gobolka Amxaarada waxaa ka socday dagaalo udhexeeya dowladda federal Itoobiya iyo dagaalamayaasha jabhadda Amxaarada ee Fano.

Dagaaladan ayaa looga itaal roonaaday ciidamada dowladda federalka Itoobiya.

Sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha Itoobiya oo soo xiganeysa xubno kamid ah jabhadda Amxaarada, ciidama jabhadda Amxaarada ayaa kaabiga ku heysa magaalada madaxda Itoobiya Addis Ababa. waxaa la arkayay ciidamada jabhadda Amxaarada oo isku gadaamiyay xerada ciidamada millitariga Itoobiya ee deeganka Ensaro Shewa, magaaladan ayaa 93km u jirta magaalada Addis Ababa. 


https://www.bandhigga24.com/2024/01/xasan-sheekh-ayaa-lagu-wadaa-inuu-la.html

Qowmiyadda Amxaarada oo ah  qowmiyadda labaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa gabi ahaan kasoo horjeeystay nidaamka iyo dowladda uu raiisul wasaaraha ka yahay Abiy Axmed, waxayna wacad kumareen inay xilka ka tuurayaan Abiy Axmed.




Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu la kulmo raiisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 









Dowladda Talyaaniga a yaa marti galineysa shir madaxeed ay isugu keeneyso madax badan oo qaaradda Afrika ah.

Inta la ogyahay 15 madaxweyne iyo 7 raiisul wasaare ayaa aqbalay shirkaas.

Madaxda ka qeyb galeeysa shirkaas waxa kamid ah Mw Soomaaliya Xasan Sheekh, Mw Eritrea iyo Raiisul wasaaraha Itoobiya.

Wararka waxa ay sheegayaan in ujeeda shirka tahay in dowladda Talyaaniga ay kala hadasho dalalkaas qorshaha 'Mattei" kaa oo lagu macneeyo inuu leeyahay qodobo ay kamid yihiin: horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dhoofinta iyo maalgashiga, caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha.

Wararka ayaa sheegay in Talyaanigu wado qorshe uu ku xallinayo mushkiladda kasoo cusboonaatay geeska afrika, waxana uuna  rabaaTalyaanigu inuu isu keeno labada masuul ugu sareeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saddex sheey oo laga maarmaan u ah farxadda noolashaada"



Fikrad ahaan marka laga hadlayo farxadda waa mowduuc ballaaran aadna u kala duwan. laakiin cilmi-baarista nafsiga ah iyo falsafada ayaa inta badan iftiimiya dhowr waxyaalood oo muhiim ah oo inta badan ku xiran farxad iyo fiyoownaan. Iyadoo aysan jirin qaacido caalami ah, afartan arrimood ee soo socda ayaa inta badan loo aqoonsan yahay inay yihiin qaybo lama huraan ah: 

1) Xiriirka Bulsho:

Bini'aadamku waa makhluuq asal ahaan ilaahay u abuuray qaab bulsheed ah iyo in la yeesho xiriir adag oo midba kan kale taageero u muujiyo. Tusaale waxa kamid ah saaxiibtinimada, curaarta qoyska, xidhiidhada jacaylka, iyo isdhexgalka bulshada oo ballaadhan.

Xidhiidhada wanaagsani waxay bixiyaan taageero shucuureed, waxay yareeyaan dareenka kalinimada, waxayna kordhiyaan dareenka lahaanshaha iyo ujeedada.

2) Jir iyo maskax fayoow:

Caafimaadka jirku wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay awoodda uu qofku ku raaxaysanayo nolosha. Jimicsi joogto ah, cunto nafaqo leh, hurdo kugu filan, iyo baadhitaano caafimaad oo joogto ah ayaa lama huraan u ah ilaalinta caafimaadka jidhka.

Caafimaadka dhimirku sidoo kale waa muhiim. Maareynta walbahaarka, ku celcelinta miyir-qabka, raadinta caawimaadda arrimaha caafimaadka dhimirka, iyo ka qayb qaadashada waxqabadyada kor u qaadaya fayoobida nafsaaniga ah ayaa muhiim u ah farxadda.

3)      Xasilooni maaliyadeed iyo Isku filnaansho:

Inkastoo oo lacagta lafteedu aanay la mid ahayn farxadda, badbaadada maaliyadeed waxay yaraynaysaa diiqada iyo welwelka la xidhiidha baahiyaha badbaadada aasaasiga ah (sida cuntada, hoyga, iyo daryeelka caafimaadka).

Xasiloonida maaliyadeed waxa ay ogolaataa heer xoriyad ah oo lagu raadinayo danaha, maalgelinta khibradaha, iyo bixinta shabakada badbaadada dhacdooyinka nolosha lama filaanka ah.